XXIG oo lagu soo dhaweeye wafdi ka socday jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa ku soo dhaweeyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranak wefdi sare oo ka kala socday Jaamacadda Bariga Afrika ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, oo ay hogaaminayeen Guddoomiyayaasha labada jaamacadood, Dr. Bashiir Maxamuud Cabdullaahi iyo Dr. Cabdirasaaq Takar.
Socdaalka wefdiga oo ujeedkiisu ahaa booqasho ku socota guud ahaan Bahda Garsoorka Dalka, ayaa si gaar aha maanta u soo gaaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saaray sare u qaadista xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada ee cilmi-baarista sharciga, wacyigelinta bulshada, fursadaha iyo aqoon iswaydaarsiga bahda garsoorka iyo bahda tacliinta sare.
Waaxda Isgaarsiinta iyo xiriirka Dadweynaha
Publicrelation@ago.gov.so
Lambarka gaaban: 4949

Leave a Reply