Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo shir la qaatay waaxda denbiyada deegaanka ee Xafiiskiisa
Madaxa iyo Xeer ilaaliyayaasha waaxda ayaan ka dhagaysta warbixinno la xiriira caqabadaha jira iyo qaab kii loo sii hormarin lahaa baaritaannada kiisaska la xiriira arrimaha deegaanka gaar ahaan wasakhaynta iyo xaalufinta deegaanka, doofinta dhirta sharci darrada ah iyo deegaameynta qaldan gaar ahaan dhulka nabaad guurka u nugul.
Waxaan faray waaxda ilaalinta siyaasaddaha shaqada, kordhinta cilmi baarista iyo hubinta dhowridda iyo u hoggaansanaanta Xeerarka dalka gaar ahaan kuwa deegaanka iyo heshiisyada caalamiga ee deegaanka,si looga hortago denbiyada deegaanka, waxaanna uu balan qaaday in la kordhin doona tababaradda aqoon kororsiga ah ee lagu hormarinayo xirfadda iyo aqoonta shaqada.