Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka oo booqasho kormeer iyo kulan isugu jira ku tegay isbitaalka Madiina

Muqdisho, Soomaaliya – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Hon. Sulaymaan Maxamed, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Isbitaalka Madiina, taasoo isugu jirtay kormeer shaqo iyo u kuurgalid adeegyada caafimaad ee isbitaalku u fidiyo bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Xeer Ilaaliyaha Guud waxa uu warbixin muhiim ah ka dhegeystay Agaasimaha Isbitaalka Madiina, taasoo diiradda lagu saarayay maareynta kiisaska sharciga caafimaadka iyo sida ay ula xiriiraan garsoorka iyo caddaaladda dalka.

Booqashadan ayaa ahayd mid leh muhimad gaar ah, maadaama ay ka tarjumeyso xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha caddaaladda iyo xarumaha caafimaadka, gaar ahaan Isbitaalka Madiina oo door muuqda ka qaata baarista iyo go’aan ka gaarista dacwadaha la xiriira caafimaadka, iyagoo sidoo kale si hufan u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha iyo shaqaalaha Isbitaalka sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay timaado xaalad degdeg ah oo u baahan daryeel caafimaad iyo xog sharciyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay:

“Isbitaalka Madiina wuxuu door muuqda ku leeyahay badbaadinta nolosha shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku dhiirrigelinayaa in la sii laba-jibaariyo dadaalka si loo gaaro adeeg cadaalad iyo caafimaad isugu dhafan.”

Booqashadan ayaa ka mid ahayd dadaallada joogtada ah ee Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku doonayo in uu ku xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta waaxaha kala duwan ee dowliga ah, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka iyo garsoorka. Waxay sidoo kale ka turjumeysaa dadaalka lagu doonayo in lagu xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed helaan adeeg sharciyeysan, hufan, iyo bani’aadamnimo ku dhisan.

Waaxda Isgaarsiinta iyo Xiriirka Dadweynaha
📧 Publicrelation@ago.gov.so
📞 Lambarka Gaaban: 4949

🌐 Ku soo booqo: www.ago.gov.so

Leave a Reply